Klopp oo kacan ka taagtay xiddig ka tirsan Chelsea ” Wey adag tahay sida lagu celiyo

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea ayaa habeen dambo  wada ciyaari doono kullan ka tirsan horyaalka xiisaha badan ee Premier League.

Macallinka leeyliyo naadiga Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa gacan ka taagtay mid ka mid ah xiddigaha Chelsea isagoo ugu baaqay daafacyadiisa in ay fiiro gooni ah u yeeshaan.

Klopp ayaa sheegay in kullanka Chelsea uu yahay mid ka adag kullamadii ay horay u ciyaareen isla markaana ay wajaheen Arsenal, Tottenham iyo Leicester City.

Sikastaba Tababare Klopp  ayaa soo jeediyay in xooga la saaro sidii loo celin lahaa halista weeraryahanka Blues ee Diego Costa,kaasoo dhaliyay afar gool afar kullan uu ciyaaray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close