Kooxaha Barcelona & Palmeiras Oo Ka Heshiiyay Xaalada Daafaca Reer Colombia Ee Jerry Mina

Barcelona ayaa heshiis la gaartay daafaca kooxda reer Brazil ee Palmeiras ninka lagu magcaabo Jerry Mina.

Cayaaryahanka reer Colombia ayaa qarka u saaran inuu ku biiro Barcelona, sida ay ku warameyso maanta oo khamiis ah majalada kasoo baxda Catalon ee Sport.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in wax walba oo heshiiska ku saabsan ka heshiiyeen labada kooxood iyo wakiilka Mina.

Dhibaatada kaliya ee heshiiska in lagu dhawaaqo hor taagan ayaa ah lacagta ay qaadanayaan wakiilada kadib markii ay aqbashay 9 milyan kooxda Palmeiras.

Barcelona ayaa dooratay inay heshiis la saxiixato Mina bisha Juun, laakiin haatan waxay heshiis la gaartay cayaaryahanka ka dib markii ay ogolaatay kooxdiisa lacag dhan € 9m

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close