Kooxda Ay Liverpool Ku Aadi Doonto Wareega 16 Champion-ka Oo Si Qarsoodi Ah Oo La Helay

Inkastoo ay wax isbedali karaan, hadana, Jariiradda Liverpool Echo, ee kasoo baxda wadanka Ingiriiska, ayaa waxay soo bandhigtay macmuulaad ku aadan in kooxaha ay Liverpool, ku aadi karto wareega 16-ka ee Champions League.

Waxay shegeysaa Jariiradaan in kooxaha kala ah: Bayern Munich iyo FC Porto ay yihiin kuwa ay ku aadi karto Liverpool, islamarkaana aysan midkoodna meel uga dhaafi doonin, labadaan kooxood.

Liverpool, ayaa waxay usoo baxday wareega 16-ka Champions League, kadib markii 7-0 ay kusoo badisay kulankii ugu dambeeyay ee heerka Group-yadda ee Champions League, waxaana ay ku xaqiijisatay booskeeda wareegaan kulankaas.

Sikastaba, isku aadka heerka Group-yadda ee tartanka Champions League, ayaa waxaa la sameyn doonaa maalinta Isniinta ah, ee todobaadka dambe:- waxaaan la filayaa inay soo baxaan kulamo adag.

Macalinka Liverpool, Klopp, oo hadlay maanta oo Khamiis ah, wuxuu sheegay in aysan ka baqeen koox walba oo ay ku aadan:- isagoona muujiyay kalsooni badan, oo uu ku qabo kooxdiisa iyo ciyaartoydiisa.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close