Kooxda Banadir Sports Club oo guul ka gaartay xulka Gobolka Benaadir

kulan Saaxiibtinimo uu u dhaxeeyay Xulka Gobolka Benaadir iyo Naadiga Banaadir Sports Club ayaa galabta ka dhacay Garoonka Banaadir xili kabtan Daadir Aamiin uu dib ugu soo laabtay kooxdiisa.

Ciyaartan ayaa aheyd mid aad u xiiso badan labada kooxo ayaa soo bandhigay kubad aad u heer sareyso waxaana Natiijada ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 ay ku badisay kooxda Banadir Sports Club waxaana labada gool u dhaliyay xidiga lagu magacaabo Qeys Cabdala Macalin.

Ciyaartan ayaa qeyb ka aheyd kulamo xulka oo dhawaan iskugu diyaarinaaye Tartanka Maamulka Goboleedyada ee Magaalada Kismaayo ka dhacaya.

W/Q:cabdifitaaxnani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close