Kooxda Barcelona oo si cad ugu hadashay xalaada Ronaldo

kooxda Barcelona ayaa sida la warinayaa in ay dooneeso in Cristiano Ronaldo uu sii joogo Real Madrid – Maxaa yeelay waxaa ay ka walwalsan yihiin iibintiisa xagaaga.

Ronaldo ayaa ruxay rajadii Real Madrid kadib markii uu ku wargaliyay inuu doonayo inuu isaga tago kooxda xagaagan.

Sida lagu daabacay wargeyska kasoo baxa Portugal ee A della, Ronaldo ayaa doonaya inuu isaga tago dalka Spain maxaa yeelay kuma faraxsana canshuur lunsiga dhan £13million ee lagu soo eedeeyay.

chelsea iyo Manchester United ayaa horboodaya baadi goobka 32-sano-jirkan, kaas oo kooxda Real Madrid ka caawiyay Hanashada 3- Champions League mudo Afar xilli ciyaareed gudaheed.

kooxda PSG, Bayern Munich iyo kooxaha ka dhisan dalka China iyo America ayaa sidoo kale lala xeriirinayaa Ronaldo.

Balse kooxda Real Madrid ay xifaaltamaan ee Barcelona ayaa shaacisay in ay u baahan tahay in xiddiga reer Portugal uu sii joogo garoonka Bernabeu.

Ronaldo iibintiisa ayaa u muuqanaya in Real Madrid ay heli kareyso dalab dhan £175m (€200m) taas oo ah fursad aad ugu fiican suuqa kala wareega ciyaaryahanadda caalamka.
wargeyska kasoo baxa dalka Spain ee ferra Gol ayaa warinaya in madaxda kooxda Barcelona ay ka walwalsan yihiin lacagta laga bixinayo ciyaaryahanka taas oo faa’iido fiican u noqon kareysa Naadiga Real Madrid.

Monaco laacibkeeda Kylian Mbappe, oo lagu qiimeynayo £105m, iyo £87m-oo lagu heli karayo Antoine Griezmann iyo Paulo Dybala oo u kala ciyaara Atletico Madrid iyo Juventus sida ay u kala horeeyaan, waana macquul in Real madrid ay lacagahaas kaga faa’iidesato.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close