Home » Africa » Kooxda Elman FC oo ciyaaryahan muhiim ah kala soo wareegatay Naadiga LLPP Jeenyo.

Kooxda Elman FC oo ciyaaryahan muhiim ah kala soo wareegatay Naadiga LLPP Jeenyo.

LAACIB.SO : Ciyaaryahankii hore ee kooxda Jeenyo Aadan Axmed Shiikh oo loo yaqaano Gabyow ayaa si rasmi ah ugu biiray kooxda Elman FC, Ciyaaryahankaan ku magac dheer Gabyow ayaa jeenyo isaga tagay horaantii November,waxaana wareega Hore ee horyaalka lala xiriirinayay kooxaha ugu waa weyn horyaalka oo saxiixiisa doonayay, balse waxuu ugu dambeyn xirtay maaliyada kooxda Elman FC.

Ciyaaryahan Gabyoow oo Bartiisa Bulshada kula hadlay ayaa yiri””Mudo kadib waxaan dib ugu soo laaban doonaa garoomada anigoo xeran maaliyada kooxda facaweyn ee Elman FC, Inta aan ku guda jiro caayaraha waxaan ku guuleestay inta badan tartanada laga dhigo dalka sida koob dagmooyin, koobka Gobadalada, koobka Genaral Daa’uudka, Super Cup iyo koobab badan oo munaasabado ah sida koob lagu maamuusayo maalinta xoogga dalka, koob lagu maamuusayo SYL iyo koobab kale oo muhiim ah” ayuu yiri Ciyaaryahan Gabyoow.

Xidigaan muhiimka ah ee Gabyow oo kamid ah daafacyada ugu wanaagsan kubadda cagta dalka ayaa ElmanFC la gaartay heshiis laba sano ah, waxayna kooxdiisa ElmanFC kulankeeda ugu soo wareega labaad la ciyaari doontaa kooxda HeeganFC 20-ka bishan aan ku jirno.

Lasoco Marwalba LAACIB.SO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*