Kooxda Everton oo lasoo Saxiixatay xiddiga Swansea City ee Sigurdsson

kubada Cagta Everton ayaa cadeesey in uu sirasmi ah ugu biirey laacibka Naadiga Swansea City ee Gylfi Sigurdsson kaas oo ay ku iibsadeen aduun lacageed gaaraya £46m lacagtaa oo ah tii ugu badnayd ee ay abid ku iibsadaan Cayaaryahan,Sigurdsson ayaa Saxiixay heshiis 5 sano ah oo uu ugu dheeli doono kooxda Everton waxaana uu Todobaadkii qaadan doonaa lacag dhan £100,000-Waxaana uu sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in uu ku biiro kooxda Everton.




,xiddiga qadka dhaxe ee dalka Iceland ayaa ka mid Noqon doona laacibiinta ugu qaalisan ee xiligaan la iibsado Waxaana tababaraha Everton ee Ronald Koeman’uu dhankiisa aad u soo dhaweeyey Saxiixa Sigurdsson oo ah Xiddig khadka dhexe ka dheela kuna wanaagsan tuurista laadka tooska ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close