Home » Africa » Kooxda FC Banaadr oo ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya

Kooxda FC Banaadr oo ku guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya

Kooxda FC Banaadir ayaa soo tiigsatay horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya, markii ay ku guuleysatay heerka labaad ee somaliya.

Kooxdan oo uu Macalin u, yahay C/Kariin Boqori oo ah xiddig ka tirsan Heegan fc ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigtay kullamadii ay ciyaartay, iyadoo u suura gashay in horyaalka ay ku qaado 38 dhibcood.

Kaalinta labaad waxaa kusoo baxday kooxda Savaana oo iyana ka dhisan degmada Hodan, xilli Saxafi ay ku dhameysatay booska saddexaad.

Sida sharciga ah kaliya laba koox ayaa loo ogol yahay in u soo dalacaan heerka koowaad, waxaana xusid muda in kooxahaan ay ciyaari doonaan horyaalka billaaban doona.

Sikastaba kooxaha Somali Fruit iyo Gantaalaha Afgooye ayaa dib ugu laabtay heerka saddexaad markii ay galeen kaalmaha ugu hooseeya horyaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*