Kooxda isbuuca ee horyaalka Serie A-da oo lasameeyay iyo Marwada duqda oo ku yeelatay 3 xiddig

Serie-A-201415-logo

Kulamadii 17-aad ee Serie A-da waxaa kasoo baxeen natiijooyin xiiso badan sidoo kalena naadiga Serie A-da hogaamineyso Inter Milan ayaa guuldaro lama filaan ah naadiga SS Lazio kala kulantay.

Horyaalka Talyaaniga loolankiisa waa mid haatan koox walbo u furan madaama naadiga kaalinta 5-aad ku jiro (Roma) iyo kooxda hogaamineyso (Inter Milan) oo u dhaxeeyo 4-dhibcood ah.

Hadaba todobaadkan kooxda ugu wanaagsan Serie A-da naadiga Juventus ayaa sedex laacib ku yeelatay weliba Juve guusheedii 7-aad oo xariir ah ayay gaartay.

Guud ahaan hoos kaga bogo 11-ka xidig ee todobaadkan Serie A-da wacdaraha ka dhigeen:

Goolhaye: Albano Bizzarri [Chievo]

Daafaca: Alex [Milan], Mauricio [Lazio], Patrice Evra [Juventus], Alessandro Florenzi [Roma]

Khadka dhexe: Antonio Candreva [Lazio], Paul Pogba [Juventus], Josip Ilicic [Fiorentina]

Weerarka: Massimo Maccarone [Empoli], Mario Mandzukic [Juventus], Gonzalo Higuain [Napoli]

Sidoo kale waxaa jiraan xidigo todobaadkii 17-aad Serie A-da bandhig wanaagsan ka muujiyeen mudana in la xuso waxaana ka mid ah: Raul Albiol [Napoli], Giacomo Bonaventura [Milan], Federico Bernardeschi [Fiorentina], Emiliano Viviano [Sampdoria], Roberto Soriano [Sampdoria], Francesco Lodi [Udinese].

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close