Kooxda Isbuuca Ee Ugu Fiican Horyaalka Somali Premier League

Safka 11-kan xiddig waa xidigihii ugu bandhiga wacnaa isbuucii sedexaad ee la cayaaray Horyaalka Somaali Premier League oo si xiiso badan kaga soconaya Garoonka koonis ee Degmada C/Casiiz.

Kulamdii la soo cayaaray waxaa ugu adkaa kulan cayaareedkii ay wada cayaareen kooxaha Elman iyo Dekedda kulankaas oo ku soo dhamaaday 1-0 oo ay guusha ay ku raacday Macalin Yuusuf Cali oo ka horyimid kooxdiisii hore Elman .

Magacyada cayaartoyda aad hoos ku arki doonto waaa xiddigihii ugu bandhiga sareyay kulmadii sedexaad ee horyaalka Somali Premier League waxaana kus oo xulanay doorkii ay kulahaayeen 90-daqiiqo ee ciyaarta .

Heegan aya barbaro la dhaafi weyday kooxda sanadan laga yaabanyahay ee Madbacada oo kulamdii ay soo cayaartay marna aan laga badin sedex barbaro ayeyna galeen .

Horseed ayaa guul muhiim ah ka gaartay kooxda Batroolka gushii ugu weyneed kulamadii sedexaad ayeyna gaareen kadib markii ay 5-1 ay kaga adkaadeyn .

Jeenyo ayaa heshay guushii ugu weyneed ee xili ciyaareedkan kadib markii ay ka adkaadeyn kooxda Gaadiidka waxayna hada isku dhibco ay yihiin kooxda Ciidanka Boliska ee Heegan .

Xidiga lagu magacaabo Agoogow ayaa u dhaliyay goolka ay ku badiyen isago ciyaarayay Weerarka.

Fikrado badan oo an kasoo aruuriyey wariyaal ka waramo arimaha ciyaaraha dalka ayaa waxaan kasoo saaray 11=kii ciyaaryahan ee ugu wanaagsan todobaadkii tagay.

Goolhaye:Cali Afrika. (Madbacada )

Daafcyada :

Siid Cali Baanow,( Dekedda ) Bukhari, ( Madbacada ) Daandii, ( Elman) (Ibraahim Abuna )Jeenyo

Khadka dhexe:

-C/raxman Isxaaq, (Madbacada ) Xasaasi, (Horseed) Cumar Gaxtaani ,( Heegan )

Werarka :

Raymound , (Dekedda ) Agoogow .(Jeenyo ) Farxaan (Gaadiidka )

W/Q:cabdifitaax nani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close