Kooxda Juventus oo Ogolaatay In Ay bixiso Lacagta Lagu Heli Karo Wojciech Szczesny.

Wargayska caanka ah ee Sky news ayaa sheegaysa in Kooxda Juventus Ku dhowdahay saxiixeedii ugu horeeyay ee xagaaga kadib markii ay Naadiga Arsenal kala heshiisay iibka goolhayaha xulka qaranka ee Poland ee Wojciech Szczesny.

Kooxda Juventus ayaa goolhayahan oo haatan amaah kula jooga kooxda Roma u aragta badalka ugu haboon ee shabaqa kooxda ka badali kara khabiirka reer Itlay ee Buffon.

Goolhayaye Szczesny ayaa labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay amaah ku qaatay kooxda Roma waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isaga oo kooxda caasimada ka caawiyay u soo bixitaanka horyaalka qarada yurub eeechampions League.

Naadiga Juventus ayaa kooxda Arsenal miiska u saartay lacag dhan 16 Milyan si ay ugu ogolaato in ay xiddigan si toos ah ula wareegto xagaaga.

Wojciech szczesny ayaa qalinka ku duugi doona heshiis 4 sano ah oo uu sanadkii ku qaadan doono mushahar dhan 4 Milyan isaga oo xilli ciyaareedka dambe noqon doona goolhayaha 1-aad ee kooxda juventus

Bianconeri ayaa saxiixa goolhayahan dalka Poland ku garaacday Kooxda Napoli oo iyada lafteedu doonaysay in uu ku badasho Goolhaye Raina Oo ku sii jeeda horyaalka Premier League

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close