Kooxda kubada cagta ee Heegan ayaa guul ka gaartay kooxda FC Banaadir

Kooxda kubada cagta ee Heegan ayaa guul ka gaartay kooxda FC Banaadir,kullan saaxiibtinimo oo ka dhacay garoonka Jaamacadaha degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Cayaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa waqtigii loogu tala galay waxa ay kusoo dhamaatay 4-2 oo ay guusha ku qaadatay kooxda Booliska.

Qeybtii hore ee kullanka ayaa lagu kala nastay 3-0 oo ay ku hoggaamineyso Heegan,waxaana goolasha u dhaliyay xiddigaha Nayanzi Ronaldo,Cabdicasiis Catoosh iyo C/raxmaan Muudeey.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee cayaarta ayaa Heegan waxa ay la timid gool kale waxaana u anxiyay xiddiga Xasan Suarez,halka Banaadir FC labada gool ay ka heshay weeraryahankooda Benteke.

Heegan ayaa diyaar garoow xoogan ugu jirta horyaalka,waxaana tababare u ah Roberto Mayanja oo ka mid ah macalimiinta ugu wanaagsan kuwa ka shaqeeya dalkeena Soomaaliya.

FC: Banaadir ayaa iyana ka mid ah kooxaha kubaddooda sida weyn loogu riyaaqay,waxaana naadigaas ay ku soo guuleysatay horyaalka heerka labaad ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close