Kooxda Uu Leo Messi Ka Baqayo Inay Ku Aado Barca Wareega 16-ka Ee UCL Oo La Ogaaday

Laacibka Kooxda kubada cagta Barcelona ee Lionel Messi, ayaa wuxuu yahay mid aan u amaanay qaab ciyaareedka xidigaha kala ah Dele Alli iyo Christian Eriksen, kuwaasoo sabab u ahaa in Spurs ay garaacdo Real.

Sida laga soo xigtay Majalada Spain, kasoo baxda ee lagu magacaabo Don Bolon, Messi, ayaa wuxuu labadaan xidig uu u arkaa kuwa kaliya ee sabab u ahaa in laga adkaado Los Blancos, kulankaas ka tirsanaa Champions League.

Ciyaartaan laga badiyay Cad Cadka, ayaa waxay dhacday habeenkii Arbacada, waxaana Madrid, lagu soo dubtay goolal gaaraya 3-1, waxaana labo gool ka dhaliyay Real, Alli halka mida kale, uu saxiixay Eriksen.

Dhinaca Kale, Shabakada Don Bolon, ayaa waxay lee dahay Leo Messi, wuxuu doonayaa in kooxdiisa aanan lagu soo aadin Spurs-ka, wareega Bug-baxa ama 16-ka, kaasoo ay Tottenham ay sii xaqiijisatay.

Jariiradaan ayaa aaminsan in Leo, uusan marnaba dooneen in kooxdiisu lagu aadiyo kooxdaan, islamarkaana uu ka walwalsan yahay arinkaas, waxaana ay lee dahay Leo, marnaba ma doonayo inuu wajaho Tottenham.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close