Kooxda Waxool oo Xaqiijisey in ay iska reebtay Bariga dhexe

Kooxda kubada Cagta Waxool ayaa Xaqiijisey in ay ka sii dheeli doonaan Horyaalka Heerka koowaad ee Soomaaliya kadib markii ay kooxda Bariga dhexe ee degmada Afgooye ay lacayaareen kulan kala bax ah,Labadaan kooxood oo ku dhamaystey Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya iyaga oo isku dhibco ah ayaa la Cayaarsiiyey Kulan lagu kala reebayo oo ka dhacay Garoonka Jaamacadaha Muqdisho Waxaana Cayaartaas oo ahayd mid aad u adag 1-0 Guushu ku raacday Naadiga Waxool.


Waxool ayaa laga qaaday 3 dhibcood kadib markii lagu eedeeyey in kulan deysmo ah ay laciyaareen kooxda Jeenyo Waxaana taagnaa muran fara badan oo ku saabsan sharciyan qaabkii kooxdaas looga qaaday 3 daas dhibcood balse sheekadaas ayaa soo gaba gaboowday kadib markii kooxdu Cagaheeda isaga reebtay kooxda Bariga dhexe ee Afgooye.

kooxda Waxool ayaa sidoo kale dheeli doonta koobka jenaral daa uud Waxaana ay ka sii mid ahaan doontaa 10 ka kooxood ee Ciyaari doona Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya halka kooxda Bariga dhexe ay u laabatay heerka labaad iyada oo raacday FC Muqdsho oo ahayd Naadigii ugu hooseeyey kala horeynta Horyaalka Soomaaliya.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close