Kooxda wolsburg oo bayaan kasoo sartay julian Draxler

Laacib.so; Kooxda VfL Wolfsburg Fußball ayaa beenisay hadalkii Julian Draxler uu ku sheegay in loo balan qaaday in uu kooxda ka bixi karo xagaagan waxayna sheegtay in qodobkaasi uu dhaqan gali karo kaliya xagaaga sanadka soo socda ee 2017. waxayna Wolfsburg si adag u sheegtay in ayna Draxler xagaagan iska iibin doonin.Wolfsburg

Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay VfL Wolfsburg Fußball ayaa lagu yidhi: ” Guddida kormeerka iyo boodka kooxda VfL Wolfsburg Fußball waxay dareemeen in loo baahan yahay sidii looga hadli lahaa waraysigii uu Julian Draxler bixiyay ee lagu daabacay wargayska Bild, si loo kala cadeeyo xaalada hadda taagan isla markaana meesha looga saaro wararka xanta ah ee ay keenayso”.

” VfL Wolfsburg Fußball waxaa ka go’an in ay kala cadayso in ayna marnaba jirin in dadka kooxda masuulka ka ahi ayna qoraal iyo hadal midna Julian Draxler ugu balan qaadin wareegis suuqa kala iibisaga ee waqtigan kaas oo dhamaanaya August 31,2016. Qodobka Julian Draxler lagula heshiisyay iyo maamulkiisu waxa uu dhaqan galayaa xagaaga 2017″.

“VfL Wolfsburg suuqan kala iibisaga ee xagaagan iskama iibin doonto Julian Draxler. Wada xaajood ay Wolfsburg la yeelatay Julian Draxler waxay markale ku cadaysay in ayna u balan qaadi karin rabtaanka ciyaartoyga ee in uu baxo”.

Julian Draxler ayaa baahiyay in uu kooxdisa kala hadlay suurtagal nimada in uu ka tago kooxdisa isaga oo ku biiraya kooxaha waa weyn ee wadanka england
balse bayaankan kasoo baxay kooxda vFL wolsburg ayaa dhabar jab ku noqonaya kooxihii xiisanayay wiil yarahan

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close