Kooxdee Ayey Doonayaa Jamaahiirta Madrid In Ay La Dheela Afar Dhamaadka UCL?

Afar dhamaadka Tartanka Horyaaladda Kooxaha Yurub, ee fasal cyaaredka 2016/17, ayaa la go’aamin doonaa Maanta oo Jimcaha, waxaana usoo gudbay Naadiyadda Kala ah Real Madrid, Juventus, Monaco iyo Atletico Madrid.

Codeyn ay sameysay Majaladda Marca, ee kasoo baxda Dalkaas Spain, ayaa waxa ay soo bandigtay Kooxda ay doonayaan in lagu aadiyo Jamaahiirta Kooxda Kubadda Cagta Real Madrid, in ay la dheelaa afar dhamaadka UCl.

Wadarta Taageerataasha ee codkooda dhiibtay ayaa waxa ay yihiin 4,829, Jamaahiir, waxaana  Lexdan Iyo Labbo, cabirka Boqoleyda (62%), ucodeeyeen in ay ku beegmaan Kooxda ka socota Faransiiska ee Monaco.

Sidoo Kale, Sideed Iyo Tobban cabirka Boqoleyda (18%), ayaa jamaahiirta Los Blancos, ucodeeyeen in ay la dheesho Afar dhamaadka Tartanka Horyaaladda Yurub, Naadiga ay isku magaaladda yihiin ee Atletico.

Kooxda ka socota Wadanka Talyaaniga ee Juventus, ayaa waxa ay ucodeeyeen Taageerayaasha Camaaliqadda Spain ee Madird, in Labaatan Cabirka Boqoleyda (20%), in ay wajahdo Kooxda Hogaamineysa Horyaalka Italy.

Sikastaba, Atletico ayaa waxa Lexdan Iyo Lex cabirka boqoleyda (66%) loo codeeyay in ay la dheesho Juva, halka Sideed Iyo Tobban cabirka Boqoleyda (18%), loo codeeyay in ay la dheesho Monaco.

Abdi Rahman Adani

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close