Kooxdii Ugu Xumeed Iyo Saxiixii Ugu Fiicnaa Oo Ay Sameeyaan Naadiyada PL Xagaaga Cusub Oo Lasoo Bandhigay

Wariyaal ka tirsan Majalada Mail Sport, oo kasoo baxda dalka Ingiriiska ayaa ucodeeyay ama soo bandhigay Kooxdii ugu xumeed ee ku jirta Suuqa kala iibsigii soo xermay, kana ciyaarta Premier League iyo Saxiixii ugu fiicnaa oo ay sameeyaan Naadiyada Horyaalkan.

Suxufiyiintaan ayaa waxay sheegayaan in saxiixii ugu fiicnaa oo ay sameeyaan Naadiyada PL, uu yahay laacibka Tiemoue Bakayoko, oo Chelsea kaga yimid, Naadiga Faransiiska ka ciyaarta ee AS Monaco, isagoo lagu soo iibsaday aduun dhan 40 Malyuun, xilli uu saxiixay shan sano.

Image result for lukaku morata lacazette

Sidoo Kale, Kooxdii ugu fiicneed ee ka ciyaarta Horyaalka Premier League ee saxiixyo fiican sameysay ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay Kooxda Manchester United, taasoo lasoo saxiixatay laacibiin dhowr ah, kuwaasoo haatan bandhig fiican usameynaya.

Isla Kooxdii ugu xumeed ee suuqa ku jirtay ayaa waxaa la tilmamaay inay tahay Naadiga Arsenal, taasoo lumisay xiddigo fara badan, balse aanan lasoo saxiixan ciyaaryahano waa weyn marka laga soo tago Lacazzeta, waxaana ay lumisay xiddigo uu ku jiro Sanchez.

Xilli Ciyaareedka cusub ee Horyaalkaan ayaa wuxuu yahay mid Bilawday, iyadoona la dheelay ku dhawaad sedax kulan, waxaana kaalinka koowaad ku jirta Naadiga Red Devils, taasoo leh Sagaal (9) waxaana ay lee dahay Tobban gool (10) walina gool lagama dhalin.

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close