Kooxo Ka Soo Horjeedsaday In Suuqa Xagaaga Horyaalka Premier Leaque Uu Xili Hore Xidhmo

Waxaa la ogolaaday dalabkii ey maamulka Horyaalka Premier League u gudbiyeen kooxaha ka cayaara horyaalka England.
Dalabka ayaa kooxaha ku dalbadayn in suuqa kala iibsiga cayartoyda uu xirmo ka hor inta uusan bilaaban horyaalka Premier League.
Codeyn ay maanta sameeyeen maamulayaasha kooxaha ayaa cod aqlabiyad leh ugu codeeyay in suuqa kala iibsiga cayartoyda uu xirmo ka hor inta uusan bilaaban horyaalka Ingiriiska.
Xeerkaan oo kooxaha ku heshiiyeen ayaa dhaqan gali doona Xagaayga dambe ee 2018-2019 wuxuuna suuqa kala iibsiga cayartoyda ee England xirmayaa 17:00 khamiis, August 9, 2018.
Kooxaha England ayaa Xeerkaan u ogolaanaya in ey cayaartooy ka iibin karaa kooxaha suuqooda wali furanyahay balse iyaga wax maso iibsan karaan xiligaa wixii ka dambeeya.
Laakiin kooxaha Manchester United, Manchester City,Watford, Swansea City iyo Crystal Palace ayaa ka codeeyay go’aankan waxayna doonayeen in suuqa kala iibsiga xagaaga sidii hore loo daayo oo uu suuqu xidhmo August 31
Kooxo ay hogaaminayaan Chelsea, Liverpool iyo Chelsea oo ah 14 ka kooxood ee sharcigan badalay ayaa go’aansaday in aan laysku dhex wadi karin suuqa xagaaga oo furan iyo kulamada Premier leaque oo socda sidii lagu soo jiray bishii August taas oo saamayn xun ku yeelatay ciyaartoy badan oo suuqa laga doonayay

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close