Kulanka Barca, Inuu Zidane Ku Deysado, Hadii Real Ku Biirayo & Hazard Oo Wax Badan Ka Hadlay

Weerar yahanka Chelsea ee Eden Hazard oo wareysi siiyay Majalada Marca ee dalka Spain, ayaa wuxuu uga hadlay arrimo badan, kuwaasoo ay ugu waa weyn yihiin, Kulanka Champions League oo ay Barcelona kula dheeli doonaa, xiisaha ay Real uqabto iyo dhibaatada Chelsea.

Ugu horeyn, Hazard, oo ka hadlaya xaalka Blues ee sanad ciyaareedkan, kaasoo aanan wanaagsaneen xagaaga ayuu sheegay inuu rajaynayo in kooxdiisa ay ka baxdo dhibaatada hada haysata.

“Waxa hada nagu dhacayo, waa wixii aan ku guuleysanay xagaagii hore, maxaa yeelay waa ay adag tahay inaad labo sano aad ku guuleysato Premier League,” ayuu Hazard yiri.

Isagoo ka hadlay wax ku saabsan Zidane ayuu yiri: “Zidane, waa mid aan ku deysado, maxaa yeelay waa mid markii aan yaraa ayaan daawan jiray kubadiisa, waana mid maamula kooxda aduunka ugu fiican.

Mar uu ka hadlayey kulanka ay Champions League, ay ku wajahayaan Barcelona, ayuu yiri: “Waa kulan adag, waxaana rajeynayaa inaan garaacno iyaga, maxaa yeelay waan awoodi karnaa.

Ugu dambeyn, mar uu ka hadlayay laacibkaan hadii uu ku biirayo Real Madrid, ayuu yiri: “Wax walba, waa macquul, maxaaa yeelay kubada cagta ma garan kartid waxa dhacaya mustaqbalka.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close