Kulanka caasimada Banadir Sports Club vs LLPP Jeenyo

Laacib.so : Waxaa maanta oo isniin ah Taariikhduna ku beegan tahay 6-Maarso-2017 Kulan aad u xiiso badan dhexmari doono galabta Naadiyada Banadir Sports Club iyo Naadiga LLPP Jeenyo kulankaan ayaa dadka aadka u xiiseeya ciyaaraha dalkeena soomaaliya waxa uu u noqonayaa kulan magacyo kala duwan leh waxaana ka mid ah magacyada dadweynaha reer muqdisho ay u bixiyeen hadiiba ay wada ciyaarayaan labada kooxood: Kulanka Caasimadda, Kulanka Darbiga ah ee Nabadda oo micnaheedu yahay labada kooxoodba waxa ay ka soo shir tagaan degmada Warta nabadda ee Magaalada Muqdisho.

Banadir SC vs LLPP-Jeenyo

Kulankaan ayaa ka dhici doono garoonka BANADIR STADIUM ee degmada C/casiis waxaana suurtagal ah galabta in ciyaartaasi ay u soo daawasho tagaan dadweyne aad u badan sababtoo ah waa ciyaar aad u adag oo kooxwalba rabta in ay badiso sababtoo ah Naadiga LLPP Jeenyo wexey jecelyihiin in ay rikoorka ka jebiyaan naadigaan Banadir Sports Club oo aan weli laga badin inta uu horyaalkaan hadda socdo ah sidaasi darteedna ay ku heeyso Horyaalka Dhibco gaaraya 16-Dhibcood.

Xaqiiqooyinka Ciyaarta

  • Naadiyada ka dhisan degmada Warta Nabadda ayaa wada ciyaari doono galabta kullankoodii 15’aad taariikhda guud ahaan ciyaarahooda ay wada ciyaareen.
  • Kooxda Jeenyo United ayaa dooneyso in ay jabiso rikoorka u yaala kooxda Banaadir, kaasoo ah in aan laga badin 28 kullan oo horyaalka Soomaaliya ah.
  • Ciyaartii ugu dambeeyay kooxahaan ay wada yeesheen ayaa kusoo dhammaaday 3-2 rigoorayaal oo ay ku badisay Banaadir waana ciyaartii Super Cup-ka.
  • Ciyaaryahanka Eeneey ayaa dib ugu soo laabanaya kooxda Jeenyo, balse waxaa ka maqan xiddigooda halista ah ee Feysaloow.
  • Dhanka kale kooxda Banaadir ayaa weyn doonta kubad sameeyaheeda reer Nigeria ee Maxwell, kaasoo qaatay kaarka cas kullankii Gaadiidka, xilli Daadir Amiin uu isna dhaawacanyahay balse in uu ciyaaro macquul ah.
  • Naadiyada ka dhisan halka degmo ee BSC iyo Jeenyo ayaa galabta ciyaaraya kullankoodii 15’aad taariikhda tartan rasmi ah waxaana badis badan kooxda Jeenyo LLPP.
  • Kulamadii ugu dambeysay ay wada ciyaareen labadaan kooxood waxa ay iska dhaliyeen 12- gool, iyadoo goolasha ugu badan ay dhalisay kooxda Banaadir S.C.
  • Naadiga Jeenyo ayaa badisay 7 kullan 14-kii ciyaar ay is arkeen halka Banaadir ay adkaatay afar ciyaar, waxa ayna bar baro ku kala tageen saddexdii kulan ee ay wada ciyareen.
  • Naadiga Banaadir ayaa ah naadiga hoggaanka u heeysa horyaalka, Soomaaliya halka Jeenyo ay ku jirto booska 7-aad ee Horyaalka waxeyna leedahay 8-Dhibcood iyo Hal gool oo farqiga goolasha ah.

Lasoco LAACIB.SO Galabta iyadoo Live ah ayaan hawada soo Gelin doonaa Insha ALLAH

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close