Kulankii ay wada ciyaareen LLPP Jeenyo iyo Gaadiidka Muxuu ku soo dhamaaday?

LAACIB.SO : Waxaa maanta dib u bilowday horyaalka dalkeena soomaaliya qeybtiisa labaad waxaana kulamo aad u xiiso badan ku dhexmartay labada naadi ee LLPP Jeenyo iyo Gaadiidka FC oo galabta ku wada ciyaaray garoonka Banadir Stadium ee Degmada C/casiis waxaana kulankaan uu noqday mid aad u xiiso badnaa in kastoo halis la geliyay naadiga LLPP Jeenyo oo goolka hore lagula hormaray waxaana ciyaarta qeybtii hore ku soo idlaatay 1-0 looga naxsaday Naadiga LLPP Jeenyo, waxaana goolkaasi u dhaliyay naadiga Gaadiidka Ciyaaryahanka Ajnabiga ah ee Salinga Motea oo numberka 17-aad kooxda Gaadiidka FC.

Qeybtii dambe markii dib la isugu soo laabtay wadatashi badan ayaa waxaa is badalay qaab ciyaareedkii hore ee ay ku ciyaareeysay naadiga LLPP Jeenyo waxeyna dhowr jeer isku dayeen in ay iska bareejeeyaan ama ay barbareeyaan waxaana ugu dambeyn ninka lagu magacaabo Anwar oo u dheela Naadiga LLPP Jeenyo ka fujiyay Goolkii lagu lahaa oo barbardhaca keenay Daqiiqadii 57-aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta.

LLPP Jenyo vs GAADIIDKAUgu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-1 oo ay ku wada baxeen bar bar dhac kulankii galabta ay ku wada ciyaareen garoonka Banadir Stadium ee Degmada C/casiis waxaan sidaan ay ka dhigan tahay min 1 dhibic in ay garoonka ka qaataan sidaasina waxaa dan ugu jirtaa naadiga LLPP Jeenyo oo sidaa ku tageeysa Dhibcaha 16-Dhibcood inkastoo dhanka goolasha loogaga jiro kaalinta saddexaad oo dekadda kula jirto, Dhanka kale Naadiga Gaadiidka ayaa soo gaaray iyagana 13-Dhibcood iyo kaalinta 6-aad oo ay dhanka gool dhalinta ay kaga soo galeen waxeyn kala siman yihiin naadiga Heegan FC.

Lasoco Marwalba Horyaalka Dalkaaga kalana soco LAACIB.SO

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close