Kulankii Galabta Ee Horyaalka Soomaaliya Jeenyo iyo Singjet Muxuu ku dhamaaday?

Laacib.so: Naadiga kubadda cagta ee L.L.p.p Jeenyo ayaa guul bilaa dhib ah ka gaartay kooxda dhowaan horyaalka uga heerka kowaad u soo mara moostay ee Sanjet FC kulan cajiib ah oo galabta ka dhacay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, Weeraryahanka Lagu magacaabo Malabey ayaa gool cajiib ah ku daah furay kulanka waloow uu eeday sababtoo ah goolkaasi ka dib cayaaryahanka Weerarka ugu ciyaara Kooxda Kubadda cagta ah LLPP Jeenyo Meeman ayaa u bar bareeyey kulanka inta aan la adin qeybta nasashada oo lagu kala tagay 1-1.

Kulanka oo ahaa kulan cajiib ah ayaa Markii la isu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaartay Feysal ayaa markale horyaalka ka kacay goolasha loo yaqaano saddexleyda oo waxaa xitaa ka mid ahaa mid uu si qurxoon u dhaafay goolhayaha Signjet waxeyna ciyaartu ku dhamaatay 4-1 oo ay guushu ku raacday Naadiga LLPP Jeenyo.

Ugu dambeyntii hadii aan idin xusuusino Jadwalka Horyaalka Soomaaliya ayaa waxaa haatan hogaamineeysa Kooxda Banadir Sports Club waxeyna leedahay 31-Dhibcood halka kaalinta labaad ay galabta soo fadhiisatay kooxda LLPP Jeenyo waxeyna leedahay 28-Dhibcood sidoo kale waxaa kaalinta 3-aad ku jirta kooxda Dekadda oo leh 26-Dhibcood.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close