Kylian Mbappe Oo Shaaciyay 4 Koox Oo Ugu Cad Cad In Xagaagan Ay Qaadaan Champions League

Weerar yahanka kooxda PSG, wiilka lagu magacaabo Kylian Mbappe, ayaa wuxuu aaminsan yahay in hadii ay Real Madrid ay ku garaacaan weereega 16-ka Champions League, ay kamid noqon karaa kooxaha qaadi kara koobkaan.

Isagoo uwaramayay Majalada MARCA, ee laga leeyahay wadanka Spain, ayaa wuxuu cadeeyay inuu doonayo in kulankaas ay badiso kooxdiisa, islamarkaana wuxuu daboolka ka qaaday inuu ka shaqeyn doono arinkaas

Mbappe, ayaa sheegay in kooxaha kala ah: Manchester City, Real Madrid, Barcelona, Bayern Munich iyo Juventus ay kala yihiin kuwa sanad ciyaareedkan qaadi kara koobka Dhagaha weyn lagu naaneeso.

Wuxuu yiri: “Shaki kuma jirto hadii aan ka badino Real Madrid, kulanka wareega 16-ka ee Champions League, inaan kamid noqon karno kuwa loo saadaalin karo inay ku guuleystaan Champions League.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray: “Waxaan ushaqeyn doonaa si adag sidii aan uheli lahayn labinta guusha, waxaana ahay mid diirada saari doona sidii aan si wacan uga soo dhex-muqan lahaa kulanka caasimada Spain ka dhacaya.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay: “Ma sahlana, inaas saadaaliso kooxda ku guuleysan karta Champions League, laakiin waxaa ugu cad cad inay qaadaan sanadkaan kooxaha Real, Man City, Bayer, Barca iyo Juve.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close