Home » Champions League » Kylian Mbappe Oo Taariikh Gooni Ah Ka Sameystay Champions-ka Habeenkii Xalay,Yaa Matali Kara?

Kylian Mbappe Oo Taariikh Gooni Ah Ka Sameystay Champions-ka Habeenkii Xalay,Yaa Matali Kara?

As Monaco ayaa caadi ahaan xalay isu badashay koox ka badan naadi ahaanshiyaheeda, markii Kylian Mbappe uu si wanaagsan uga dhex muuqday kooxda, waxaana uu Monaco u dhaliyay goolkii 1-aad ee ay ku heleen Dortmund oo marti u aheyd kullan lugta labaad ee wareegga 8-da Champion-ka xilli gud ahaan ay ku soo baxeen Moanco 3/1 oo ay isaga xaadiriyeen wareegga 4-ta.

Goolkaas ayuu laacibkaas 18 sano jirka reer France dhaliyay daqiiqaddii 3-aad ee biloowgii ciyaarta, Qalad ka dhacay goolhayaha Dortmund ayuu ka faa`ideystay si sahal ah ayuuna Kylian Mbappe u dhigay shabaqa .

Sikasta laacibkaan ayaa noqday noqday laacibkii ugu horeeyay taariikhda Champion-ka oo afar gool dhaliya ka dib afar kullan oo wareegga bug baxda Champion-ka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*