Laacib Hore Oo Real Iyo Barca Ah Oo Si Layaab Leh Uga Hadlay Mashaqada Haysata Zidane

Xiddigii hore ee Kooxaha Barcelona yo Real Madrid, islamarkaana udhashay dalka Brazil, ee Ronaldo Nazario, ayaa wuxuu ka hadlay dhibaatadda Guul la’aanta ah ee haysata naadigiisii hore ee Madrid, isagoona sheegay in Los Blancos ay tahay wali mid awood leh.

Wuxuu cadeeyay in hadii ay haysato Kooxdaan weeraryahana kala ah Ronaldo iyo Benzame, kuwaasoo ku sheegay inay yihiin kuwa ugu fiican waqti xaadirkaan aysan u baahneen Madrid, gooldhaliye kale, islamarkaana uu kaliya u baahan tahay inay hesho nasiib.

Wuxuu hadalkiisa kusii daray in Cad Cadka ay soo laaban doono dhawaan, islamarkaana ay tusi doonto kooxaha kale, ee Yurub, sida uu hadalka u dhigay awodeeda ciyaareed, wuxuuna ugu goondiyay naadiyada kale, in Boqorada Yurub aysan hoos udhici doonin.

“Waxay na tustay awoodeeda sanadihii ugu dambeeyay, marka haatan xagaago waa bilaw, waxaana filayaa inay soo laaban doonto, dhawaan, “ ayuu sheegay wiilkii hore ee kooxo badan oo Qaarada Yurub ah, islamarkaana caan ku ahaa Gooldhalinta iyo Gambiska.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close