Laacib Unitedka Soo Maray Oo Is Bar Bardhig Ku Sameeyey Ibrahimovic iyo Cantona,Muxuu Yiri?

Manchester United weerar yahankeeda Zlatan Ibrahimovic ayaa qiimeyn dhan kasta ah lagu sameeyey, isagoo leh kalsooni la eg middii Eric Cantona, sida uu qabo Phil Neville oo ah rug cadaa sporti.

Ibrahimovic ayaa sii wata Ololihiisa uu goolasha muhiimka ah ugu dhalinayo kooxda United markii uu dhaliyay goolkii guusha iyo kii furitaanka ee ciyaartii ay 3-2 uga badiyeen Southampton koobka EFL Cup finalkiisa ciyaartii dhacday Axadda.

Laacibka dalka Sweden ayaa wuxuu kusoo celiyay waddada koob hanashada Jose Mourinho, wuxuuna goolka ugu dambeeyay dhaliyay daqiiqaddii 87-aad oo uu madaxa ku dhaliyay waxaana uu kulankaas dhammeystiray goolkiisii 2-aad ee ciyaartaas uu United ugu dhaliyo Wembley.

“Zlatan waa hoggaamiye. Waan ogaay Wayne Rooney ayaa koobkii qaaday, balse Zlatan waa hoggaamiyaha garoonka,” wuxuu u sheegay Sky Sports.

Sikasta Neville, oo ahaa laacib weyn oo kooxdan soo maray, ayaa rumeysan in Ibrahimovic uu la yimid kalsoonida ay United u baahneyd, markaan isaga arkay waxaan xasuustay waayihii Cantona uu wacdaraha ka dhigayay Old Trafford 1990-aadkii.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close