laacibka Edan Hazard oo shuruud ku xiray heshiiska cusub ee kooxdiisa Chelsea

Xiddiga  kooxda kubada Cagta Chelsea ee Eden Hazard ayaa shuruud ku xiray in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa iyada oo Chelsea beryahaan ku qal qaalineysey in uu qandaraas cusub u saxiixo

Eden Hazard oo sidoo kale bartilmaameed u ah  kooxda Real Madrid oo isna uu doonayey ayaa sheegay in uu aqbali doono kordhinta heshiiska cusub ee Chelsea waase hadii ayuu yiri uu iga hor Saxiixo Goolhayaha ay isku wadanka yihiin ee Thibaut Courtois,kaas oo isna diidanaa in uu Saxiixo heshiis cusub.

Kooxda kubada cagta Chelsea ayaa dooneysa in ay heshiis cusub ka saxiixaan labada Xiddig ee isku wadanka ah ee kala ah Thibaut Courtois,iyo Eden Hazard kuwaas oo labadaba ay dooneyso Real Madrid kuwaas oo diidanaa in ay galaan qandaraas cusub oo ay ku sii joogayaan kooxda London ka dhisan ee Chelsea.

Macalinka Real Madrid Zinedine Zidane,ayaa Taagere weyn u ah Xiddiga kooxda Chelsea Eden Hazard kaas oo uu doonayo in lawareego balse Chelsea ayaa ku dadaaleysa in ay haystaan oo aysan fasaxin.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close