Labo Arrin Oo Uusan Sanchez Ugu Biiri Karin Man City Misana Pep Uu Ka Dambeeyo [Ogow]

Sanchez ayaa wuxuu yahay mid aanan ku biiri doonin Manchester City, sababo ku aadan inuu walaac badan ka qabo sida ay isaga iyo Pep Guardiola ay ugu wada heshiin karaan garoonka ay kooxdaanku dheesho.

Shabakada The Independent ee kasoo baxda wadanka UK ayaa sheegeysa in Sanchez iyo Pep ay had iyo jeer isku dhici jireen markii uu wiilkaan ku sugnaa Barcelona, islamarkaana uu si joogta ah  wax uga sheegi jiray bandhigiisa.

Pep ayaa waxaa la rumeysan in uusan ku qanacsaneen qaababka uu udhaqmo marka uu garoonka ku jiro Sanchez, wuxuuna had iyo jeer canaanan jirey marka la joogo xeradda tababarka, waayahoodii Barcelona.

Sikastaba, Majalada The Independent ayaa aaminsan in isagoo Sanchez la duulaya arrimahaan uusan ku biiri doonin Manchester City, uuna aadi karo dhigeeda Manchester United, oo haatan aad uxiiseyneysa.

Warkaan ayaa wuxuu uyahay mid ay ku farxi doonan Taageerayaasha Man United, kuwaasoo haatan filanaya in saacadaha soo aadan inay la wareegto kooxda ciyaaryahankaan reer Chile.

Isagoo warbaahinta la hadlayey maamulaha Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wuxuu cadeeyay inay soo dhaweyn doonaa hadii Sanchez, uu go’aan sado inuu kusoo biiro Old Trafford, uuna kamid noqon doono xidigaha muhiimsan.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close