Labo Naadi oo ka tirsan Horyaalka heerka koowaad ee Soomaaliya oo Magacyada iska badelay

Kooxaha xilli cayaareedkan ku soo biiray heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya FC Banaadir iyo Savaana ayaa dhexli doona magacyadaasi qadiimiga ah.

FC Banaadir ayaa la warinayaa inay ku cayaari doonto Madbacadda halka Savaana ay iyana ku dheeli doonto Magaca Petroolka.

Masuuliyiinta labada kooxood ee Savaana iyo Banaadir FC ayaa inoo xaqiijiyay in wadahaladii u dambeeyay ay socdaan oo ku aadan in dib loo soo nooleeyo magacyadii laba ka mid ah kooxihii ugu awooda badnaa dalkeena.

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya waxa ay horay u sheegeen in ay soo dhaweynayaan in dib ay usoo laabtaan kooxihii ugu awooda badnaa dalkeena Soomaaliya.

Sikastaba bahweynta Isboortiga ayaa si weyn u hadal haya arinkaan, iyagoo sheegay in ay tahay guul weyn.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close