Lama Filaan! Xiddig Ka Tirsan Real Madrid Oo Ugu Baaaqay Ronaldo Inuu Isaga Tago Los Blancos

Daafaca Kooxda Real Madrid ee wadanka Spain, Kilper Pepe ayaa waxa uu ugu baaqay Weeraryahanka Los Blancos, Cristiano Ronaldo inuu isaga tago kooxdiisa, sida laga soo xiganayo Wargeyska El Transistor programme.

Waxa uu ugu baaqay in xiddigaan uu ku biiro kooxda ka dhisan Caasimadda wadanka Faransiiska ee Paris Saint-Germain, halkaas uu isana la qorsheenayo inuu udhaqaaqi doono.

Ronaldo iyo Pepe ayaa waxa ay haatan kuwada sugan yihiin wadanka Ruushka halkaas oo, ay uga wadda qeyb galayaan Koobka Confederations Cup, waxaana ay labadooda wada xaajood kula jiraan kooxooda.

Waxaa si weyn loo rajeynayaa in Pepe uu ku biiri doono kooxda PSG, waxaana uu ugu baaqay saaxibkiisa Ronaldo oo ay xiiseeneyso isla kooxdaan inuu kusoo biiro, Wallow sidoo kale xiddigaan doonaya kooxo kale.

Pepe Cristiano Ronaldo Real Madrid Sporting Gijon La Liga 26112016

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani        

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close