Lavezzi kama tagi doona PSG January dhexdeeda – Blanc

Blanc: Lavezzi going nowhere in January

Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Laurent Blanc oo diiday in Ezequiel Lavezzi uu ka taga bisha January, taasoo la micna ah in xiddigan  uu si xor ah ugu biiri doona kooxda uu raba marka lagaaro xagaaga.

Weeraryahanka oo heshiiskisa uu dhici doona marka uu soo dhamaado xilli ciyaaredkan taasoo ah dhamadka bisha June, lakin wa mid in muda lala xariirinayey siduu  uga tagi lagaa kooxda heysata horyaalka France, waana mid lumiyay booska kooxda kowaad ee gegada Parc de Princes.

Ciyaaryahanki hore ee Napoli ayaa wakiilkisa waxa uu shegay in xidigan uu doorbidayo sidi uu dib ugu laaban lahaa Serie A, kaasoo ku yimid PSG qadar dhan  €30 million sanadi 2012,  balse macalinka oo ka dhawaajiyay in xiddigan uu sugo bilooyin dheeri ah kadib uu fasaxi doona.

“Waxaan aad ugu cadeynay Lavezzi, si cad oo cad ayan ula hadalnay,” Blanc ayaa sidaa sheegay.

“Maraba in aan  sheego waxa aan iskala hadalnay, balse asaga si acad ayan ugu qiixnay, marki uu bilaawday xilli ciyaaredkan ilaa iyo  laga gaaro suuqa kala iibsiga haatan furan.

 

“Waxan aheyn kuwa si cad uqiixay xaaladiisa, mana sheegi kara wax kasoo horjeeda inti aan usheegnay, dhamaanteen waan ognahay  hadii qof uu raba in uu kataga kooxda, waana in ay isku raacan dhaman qeybaha ay kakoban tahay naadiga, taasina maahan xaalada hada taagan sababtoo ah maahan mid kataagay PSG.

“Heshiiskis waa mid dhacay dhamadka bisha June waxaana jirta xeelad aan adeegsan doona, balse waxaa jira xaalad loo celiyay.

“Waxaan yeelanay wadahadal ciyaaryahanada uu dhici raba heshiiskooda, waana lahadalnay, waxaan usheegnay qofki aan ku qanacsanen in aan  ka raali gelinayno waana mid aadi kara halka uu ku qanacsan yahay.”

 

Related Articles

3 thoughts on “Lavezzi kama tagi doona PSG January dhexdeeda – Blanc”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close