LAYAAB: Messi oo wiilkiisa u dhalan doona u bixinaya Cristiano Ronaldo

Messi iyo xaaskiisa Antonella Roccuzzo ayaa filaya cunugoodii seddexaad, inkasta oo ay si rasmi ah u aqal galeen sanadkii tagay.

Labada lamaane ayaa haatan haysta Thiago iyo Mateo, Antonella Roccuzzo ayaa ku jirta bilihii ugu danbeeyay, waxaana la filayaa inay dhasho dhamaadka bishaan ama horaanta bisha Maarso ee sanadkaan

Sida ay baahisay Marca, Lionel Messi ayaa u bixinaya wiilkiisa 3-aad magaca “Ciro” kaas oo noqonaya Cristiano Ronaldo marka la joogo luuqada Shiinaha.

Image result for Messi Ciro

Shacabka Shiinaha ayaa u soo gaabiya magaca Cristiano Ronaldo marka ay ku dhawaaqayaan sidaan “Ci iyo Ro” oo ah labada magac oo labada xaraf ee ugu horeeya laga soo qaadanayo.

Sidaas darteed, wiilka 3-aad ee Lionel Messi ayaa ku magac noqonaya laacibka ay isla tartamaan ee Cristiano Ronaldo marka la joogo shiinaha.

Sheekadaan ayaa lama filaan ku noqonaysa Messi, maadama uusan ogayn markii uu dooranaya magacaan inuu xiriir la yeelan karo Ronaldo

Arinta kale ee cajiibka ah ayaa ah in Ronaldo uu ka waynyahay Messi 869 maalin, waa inta maalin ee Cristaino JR uu ka waynyahay curadka Messi ee Thiago

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close