LAYAAB:Coutinho oo sabab la yaab leh darteed u qaadanaya dhalashada dalka Portugal

Philippe Coutinho ayaa sabab la yaab leh darteed u qaadanaya passport-ka Portuguese-ka sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Coutinho ayaa ka soo jeeda dalka Brazil, balse wuxuu qaadan karaa dhalashada dalka Portugal maadama xaaskiisa Aine ay tahay Portuguese.

Barcelona ayaa ka danbaysa fikirka ah in Philippe Coutinho uu qaato dhalashada Portugal, maadama kooxaha Spain aan loo ogolayn inay la soo saxiixdaan wax ka badan 3-laacib oo ka baxsan qaarada yurub

3-daas boos ayaana haatan ka buuxda Barcelona, waxayna haysataa Coutinho, Paulinho iyo Yerry Mina, awoodna uma lahan inay soo qaadato laacib kale oo dhalasho ahaan ka baxsan qaarada yurub

Image result for Ronaldo portugueses Passport

Si Coutinho uu fursad u siiyo kooxdiisa Barcelona ayuu u qaadanayaa dhalashada Portugal, wuxuuna sidaas uga mid noqonayaa cayaartoyda ka soo jeeda qaarada yurub taas oo fursad u siinaysa Barca inay soo qaadato laacibka qadka dhexe ee Arthur kaas oo u cayaara kooxda Gremio.

Image result for Coutinho his wife

Philippe Coutinho ma ahan laacibkii ugu horeeyay ee Barcelona darteed u qaata passort-ka yurub, waxaa sidaan oo kale sameeyay Luis Suarez kaas oo xaaskiisa Sofia Balbi madaxeeda ku helay dhalashada Talyaaniga

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close