Leo Messi Oo Ka Faaloodey Hadii Neymar Uu Ku Biirayo Real & Inuu Qarka U Saayan Yahay

Lionel Messi ayaa wuxuu yahay mid aanan umaleyneen inuu Neymar Jr, oo PSG udheelaya haatan uu kusoo biiri doono Real Madrid, sida laga soo xigtey Majalada Don Balon, oo soo xiganeysa Illo wareedyo iyada aysan magacaabin.

Warbaahinta kala duwan ee dalalka Faransiiska, Spain iyo meelo kuwa kale ee caalamka ayaa waxay sheegayaan in Neymar uusan ku farax-saneen PSG, islamarkaana uu kasoo tegi doono bishaan Janaayo.

Laakiin, Messi ayaa wuxuu aaminsan yahay in Neymar uu baaqi kusii ahaan doono PSG, islamarkaana uusan kusoo biiri doonin Boqorada horyaalka La Liga, maadaama uu xagaagii hore lee uu ku biirey PSG.

Neymar, oo ka tegay Barcelona, fasal ciyaareedkii lasoo dhaafey ayaa waxaa lagu iibsadey aduun lacageed dhan 222 Malyuun, waxaana ay ka dhigtey taasi ciyaaryahanka aduunka ugu qaalisan.

Tan iyo markii uu ka degay caasimada wadanka Faransiiska ayaa waxaa hareeyay wiilkaan sheeko ku aadan inuu hadana doonayo inuu kasoo dhaqaaqo PSG, walow sheekadaas uu goor hore uu geeska giliyey.

Madaxweynaha Real Madrid, ee Perez, ayaa wuxuu banaanka uu soo dhigey xiisaha ay uqabto kooxdiisa, kadib markii uu sheegay in Neymar, uu ku noqon doono laacibka aduunka ugu wanaagsan kaliya isagoo jooga Real Madrid.

Laakiin, Don Balon ayaa daboolka  ka qaadeysa in Leo Messi uu dareemayo in saaxibkisii hore ee Neymar uusan marnaba qorsheeneen inuu kusoo biiro Real Madrid, sanadda soo aadan ama mustaqbalka.

Hadalkaan laga soo xiganayo Leo Messi, ayaa wuxuu dhabar-jab weyn uu ku yahay taageerayaasha iyo maamulka Madrid, kuwaasoo xiiso waali ah uqaba Neymar, sida iska cad, waxayna ku noqon doontaa sheeko maqaar xanuunjisa.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close