Leo Messi Oo Shaaciyey Waqtiga Uu Neymar Jr Kusoo Biiri Karo Real Oo Xiiso Waali Ah U Qabta

Lionel Messi ayaa wuxuu sheegay in Neymar Jr, uu baaqi kusii ahaan doono PSG ugu yaraan halka sano ee soo aadan kadib uu kusoo biiri karo Real Madrid, sida laga soo xigtey Majalada Don Balon, ee wadanka Spain.

Neymar oo Barcelona ka tegay sanad ciyaareedkii lasoo dhaafey ayaa waxaa looga iibsadey kooxda reer Catalan aduun lacageed dhan 222 Malyuun, kaasoo ay ku qaadatey PSG, waxaana uu noqdey xidiga aduunka ugu qaalisan.

Sikastaba, Tan iyo markii uu ka degay caasimada wadanka Faransiiska ayaa waxaa hareeyay wiilkaan sheeko ku aadan inuu hadana doonayo inuu kasoo dhaqaaqo PSG, walow sheekadaas uu goor hore uu geeska giliyey.

Laakiin, maamulka Real Madrid, ayaa waxay yihiin kuwa daba gal badan ku haya, isaga waxayna doonayaa inay wiilkaan ay kasoo dejiyaan caasimada Spain, ayna uxeraan maaliyada cadaanka ah ee Los Blancos.

Messi ayaa wuxuu aaminsan yahay inay dhici karto in Neymar uu kusoo laabto Spain, islamarkaana uu xirto Maaliyada Madrid, sida ay sameeyeen ciyaaryahano badan, kuwaasoo markii ay ka tageen Barca ku biiray Los Blancos.

Kabtanka xulka qaranka kubada cagta Argentina ee Leo Messi ayaa wuxuu aaminsan yahay in Neymar uu ku biiri karo Madrid, sanad ciyaareedka soo aadan midka kasii dambeeya, maadaama kaliya uu joogo Paris, sanadkiisii ugu horeeyay.

Hadalkaan laga soo xigtey Lionel Messi, ayaa wuxuu ka dhigan yahay mid farxad u ah, taageerayaasha Madrid, kuwaasoo xiiso waali ah uqaba inay helaan Neymar, maadaama uu hada kasii duqoobayo laacibkooda Ronaldo.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close