Leo Messi Oo Si Cajiib Ah U Sharaxay Farqiga U Dhaxeeya 2 Caruur & Midka Dhaqanka Xun

Iyadoo uu ka hadlyay wiilkaan ka hor inta aanan la sameyn isku aadka koobka Champions League, ayaa waxaa la siiyay wiilkaan fursad uu kaga hadlay ama uu ku sharaxo farqiga udhaxeeya labadiisa curuur.

Messi ayaa waxaa haatan ujoogta labad curuur ah, kuwaasoo kala ah:- Thiago iyo Mateo, waxaana mid uu yahay shan sano jir halka kan kale uu yahay laba sano jir, waxaana Leo, uu qiray in Thiago uu yahay midka dhaqan wanagasan.

Wuxuu yiri, mar uu ka hadlayay arinkaas: “Thiago, waa mid iska caadi ah, dhaqankiisa waa mid wanagasan, laakiin Mateo waa mid kasoo horjeeda arinkaas [macnahu waa mid aanan sidaas ahayn]

Wuxuu sii raaciyay, xili uu la hadlayay, TyC Sports: “Mateo waa mid halis ah, waxa uu leeyahay dhanka curuurta garoomada, waa arin wanaagsan, marka la eego sida ay ukala duwan yihiin labadooda.

Messi, ayaa waxa uu dhawaan filan doonaa cunug sadexaad kaasoo la sheegayo inuu yahay Wiil:- waxaana uu hadalkaan uu sheegay kadib markii ay soo dhamaatay ciyaartii ay Camp Nou, ku garaaceen Sporting Lisbon.

Tags

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

Abdi Rahman Adani is a football reporter with Laacib.so. A sensational writer, political critic, prolific editor, published author and editorial consultant. He writes on a wide range of subjects: sports, law, politics, public affairs, and human rights. And based in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close