Liiska Ciyaartoyda mataleysa xulka Qaranka somaaliya.

Xulka Qaranka Soomaliya Oo Ka Qeyb Galkaya Is Reeb Reebka-Chan 2017,Xili Ay Ku Wajahanyihiin Dalka Jabuti, Xulka qaranka Soomaliya ayaa sanadkaan ka qeyb galaya is reeb reebka koobka Chan oo ah koobka labaad ee laga ciyaaro qaarada afrika waxaana ciyaaro ciyaartooyda ka ciyaartooyta horyaalada dalalkooda,xili sanadkaan xulka qaranka Soomaliya ay ka soo muuqanayaa xidigo cusub oo laga soo xulay kooxaha kala duwan ee dalka.

Tababare Charles Livingstone Mbatazi oo u dhashay dalka Uganda ayaa xulka qaranka Soomaliya maamuliyay tan iyo bishii September 2015,waxa uu xulka Soomaliya kala qeyb galay taratamo kala waxaa horkacay 5-kulan,kaliya hal kulan ayuu barbar galay ,halka uu 5-kulan guleystay.
Macalinkii hore xulka qaranka Soomaliya Charlez ayaa ahaa Macalin usoo ciyaaay xulka qaranka dalka Ugand,intii u dhaxaysay 1998–2003, wuxuuna ka ciyaari jiray Qadka dhexe,xili booskiisa hada lagu badalay Macalin kale oo u dhashay dalka Uganda.

Waxaa 5-ta November 2016-: Haruna Mawa ayaa loo magabaacay jagada xilka macalinimo ee xulka qaranka Soomaliya,isagoo xilka macalinimo ka badalay macalinkii hore reer Uganda Charles Nytazi, Haruna ayaa horay ugu soo ciyaaray Sports Club Victoria University oo ka dhisan dalka Uganda,tababare Harun ayaa soo xushay 24-ciyaartooy oo ugu qeyb galaysa koobka Chan,xili kulankiisa kowaad uu leeliyo xulka qaranka Soomaliya oo la ciyaaridoono koonfurta Sudan 21-April,iyagoo lugta kowaad kuwada ciyaaridoono dalka Jabuti.

Xulka Qaranka Soomaliyaa ayaa lugta kowaad is reeb reebka koobka Chan la ciyaarioono dhigooda South Sudan,iyagoo wada ciyaaridoono 21-04-2017,waxayna ku ciyaaridoono dalka Jabuti 30-04-2017, South Sudan ayaa lugta labaad kusoo dhawaynaysa xulka qaranka Soomaliya,iyagoo kuwada ciyaarino garoonka Juba Stadium oo ku yaala caasimada koonfurta Sudan.
Xidigaha Xulka Qaranka Loo Soo Xulay Iyo Kooxaha Ay Safkooda Kasoo Muuqdaan.
Kooxda Dekedda
1. Axmed Xasan Maxamed (Macaane)-Qad Dhexe
2. Cabaas Amiin Maxamed-(Qad Dhexe)
3. C/Kariim Cabdalla Maxamed (Qubaaye)-(Qad Dhexe)
4. Idiris Amiin Cali-(Daafac)
5. Xasan Ibraahim Cali-(Gool Haye)
6. Muxidiin Aweys Maxamed-(Daafac)
7. Sidii Cali Maxamed (Baana)-(Daafac)
Kooxda Jeenyo
1.Mustaf Maxamed Yuusuf-(Gool Haye)
2.C/qaadir C/Raxman Macalin-(Daandii)-(Daafac)
3.Daa’uud C/llahi Tubaal-(Qad Dhexe)
4.Xasan Cabdi Nuur-(Xasaasi)-(Qad Dhexe)
Kooxda Banaadir SC
1.Axmed C/llahi Hiraabe-(Baanuu)-(Daafac)
2.Ciise C/qaadir Ibraahim-(Daafac)
Kooxda Heegan
1. Bile Muxidiin Buraale-(Weerar)
2. Mahad Muxidiin Xaji-(Mahad Yare)-(Qad Dhexe)
Kooxda Horseed
1. Cadaane Barre Ciise-(Weerar)
Kooxda Elman
1.Xasan Cali Rooble-(Ba’baay)-(Daafac)
2.Maxamed Nuur Cusman-(Weerar)
3.C/Shakur Maxamud Max’ed (Aala)-(Weerar)
Waxool FC
1.Saciid Aweys Cali-Amaah ayuu ugu ciyaaraha kooxda Waxool,balse waxaa iska leh Dekedda,horayna waxa uu ahaa gool hayihii hore Maamulka HirShabeele ee ciyaarihii maamul Goboleedyada.
Canada
C/llahi Qadar Sahal-Dalka Canada
Xidigaha Xulka Ka Haray
Safarka Ocean Star waxaa Isniinta lasoo dhaafay ka haray afar xidig oo u ciyaara kooxaha kubbadda cagta Horseed,Banaadir SC,Elman iyo Heegan waxa ay kala yihiin.
1. Nuune Haashim Axmed-(Horseed)-(Qad Dhexe)
2. Mahad Cali Axmed-(Beerey)-(Heegan)-(Daafac)
3. Axmed Xuseen Qaacshe-(Gool Haye)-(Elman)
4. Maxamed C/risaaq Max’ed-(Banaadir SC)-Qad Dhexe Weerar).

Si kastaba xlalka qaranka Soomaliya iyo koonfurta Sudan ayaa 21-bishan kuwada ciyaaridoono dalka Jabuti,iyagoo lugta kowaad wada ciyaaridoono Maalinta jimcaha ee fooda nagu soo haysa,balse lugta labaad ayay kuwada ciyaaridoonaan  30-April 2017, iyagoo kuwada ciyaaridoono garoonka Jubba Stadium ee dalka South Sudan.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close