Home » England » Lindgard Oo Sharraxay Dabbaal Deggiisii Turunbada, kulankii United vs Boro, Maxay tahay?

Lindgard Oo Sharraxay Dabbaal Deggiisii Turunbada, kulankii United vs Boro, Maxay tahay?

Laacibka garabka uga ciyaara kooxda man United ee Jesse Lingard ayaa shaaciyay sirtii ka dambaysay dabaal degii uu sameeyay kadib markii uu goolka 2-aad u dhaliyay kooxdiisa man United kulankii Middlesbrough.

Man United ayaa kooxda Middlesbrough oo hoogta garoonkeeda ugu awood sheegtay 3/1 goolal ay kula dhaliyeen xiddigaha Marouane Fellaini,Jesse Lingard iyo Antonio Valencia. Xiddigan reer England ayaa dabaal deg aanu horay u samayn ku dabaal degay kadib goolkii uu kooxdiisa u dhaliyay taas oo keentay in ay dad badan is weydiiyaan waxa uu yahay dabaal degan cusub.

Hadaba xiddigan oo la hadlay Wargayska Daily Express ayaa sheegay sababta uu ula yimid dabaal degan cusub oo uu u badalay midkii caanka ahaa ee lagu yaqaanay. Isaga oo arintaas ka hadlaya ayuu yiri”Saaxiibkay ayan ugu balan qaaday in aan sidan u dabaal dego hadii aan gool dhaliyo kulankan waanan sameeyay”

Sikasta Lingard ayaa shalay soo ban dhigay wacdaro waxaana loo doortay Xidiga Garoonka , Man United ayaa sidaas ku gashay Booska 5aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*