Lional Messi oo gool kadhaliyay Buffon, wali Ogoow laba goolhaye oo u harsan.?

Xiddiga kooxda kubada cagta Barcelona Leonel Messi ayaa marki u horeysay gool ka dhaliyay goolhayaha waaya aragga gianluigi Buffon Messi oo aan Buffon gool ka dhalin 3 kulan ula ciyaaray ayaa markan shabaqiisa soo taabaty, waxuuna horey ugu hungoobay fiinaalki Champions league 2015 oo ay Barcelona 3-1 uga qaday Naadiga juventus , iyadoo goolasha ay u kala dhaliyeen Suares, Rakatic iyo Neymar.

Laacibka Messi ayaa Buffon 2 gool ka dhaliyay isagoo mid kalena ku caawiyay xiddiga Rakatic, waxuuna soo afmeyray abaartii ka haystay dhanka gool dhalinta Buffon, waxaase uu shabaqooda taaban , goolhayaha kooxda Rubin Kazan ee dalka Ruushaka oo Sergey Viktorovich Ryzhikov 4 kulan ka horyimid, iyo Julio César oo goolka u qabta kooxda Benfica kaaso uu gool ka dhalin waayay 3 kulan.Sidoo kale Messi ayaa hal gool u jira goolkiisi 100 ee tartamada qaarada yurub ee 96 gool oo Champins league iyo 3 Uefa Super Cup ayuu dhaliyay.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close