Lionel Messi Iyo Iniesta Oo Tashtay Ka Hor Kulanka El Clasico & Don Balon Oo Kashiftay Xogtooda

Barcelona, ayaa sii wada guulaheeda kadib markii ay todobaadkan kusoo daartay kooxda Leganes, 3-0 – Barca ayaa uga mahadcelineysa goolasha Luis Suarez oo laba saxiixay iyo Paulinho, waxaana guushaan ay siisay 34 dhibcood iyo 10 Buundo ay ka sareyso Real.

Los Blancos, oo bareejo goolal la’aan ah la gashay Atletico, ayaa waxay ku qasabtay inay kor ay u fiiriso Bluagrana, 10 Dhibcood, waxaana haatan ay haysataa fursado kale, oo ay kusoo qaban karto, ka hor kulanka weyn ee:- El Clasico.

Balse, majalada Don Balon ayaa waxay sheegeysaa in Messi iyo Andres Iniesta, ay u direen wiilasha Barca, qoraal ku saabsan kulankaas, waxaana ay uga dhigeen inay muujinayaa hoos u dhac kulankaas, islamarkaana waxay ka codsadeen inay niyadooda ay sare u qaadan.

Kabtan kooxda Catalonia, ka dhisan, ayaa waxaa la tilmaamayaa inuu ka dalbaday saaxiibadiisa ay isku kooxda yihiin, in kulankaas ay udheelaan sidii ay guul u gaari lahaayeen, islamarkaana ay xusul duub ay u galaan sidii ay ku badin laahaayeen.

Don Balon, ayaa sheegeysa in Messi, uu balan qaaday inuu ciyaartaas uu sameyn doono wax waliba, oo u awooda, islamarkaana uu isku deyi doono inuu go’aamiyo guud ahaan ciyaartaas, uuna dhaliyo goolal tiro badan.

Kooxda uu wato Zinedine Zidane, oo ku dheeleysa Bernabeu, ayaa waxay u badan tahay inay soo geli doonaan garoonkeeda, iyadoo baahi weyn u qabta inay laba cad ka dhigto Barca, waxaana halkaas ka dhici doonaa dagaal aad uculus.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close