Lionel Messi Oo Neymar U Sheegay Laacibka Janaayo Ay Lasoo Wareegi Doonto Barcelona

Ciyaaryahanka lamberka 10aad, uqaata Barcelona ee Lionel Messi, ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu usheegay Neymar Jnr, xidiga ay lasoo wareegi doonto kooxdiisa, marka la gaaro bisha Janaayo ee sanadka cusub.

Sida laga soo xigtay Majalada dalka Spain, kasoo baxda ee Don Balon, Messi ayaa waxa uu la wadaagay Neymar xog ku aadan inay lasoo dhaqaaqi doonaa Janaayo laacibka kooxda kubada cagta Gremio ee Arthur.

Arthur, ayaa waxa uu yahay xidig ka dheela afka hore, waxa uuna yahay 21-sano, isagoona udhashay wadanka Brazil, waxaana ay sheegeysaa Don Balon, in Messi, uu usheegay Neymar, inay lasoo saxiixan doonaan wiilkaan.

Image result for Arthur

Balse, Don Balon, ayaa waxa aysan shaaca ka qaadin in Messi, uu carabka ku dhuftay waqtigii uu Neymar kala hadlayay qorshooda, wiilkaan, inay haatan ay la galeen wax heshiis, taasoo la filayo inuu dhoco bisha dambe.

Neymar ayaa ka tagay Barcelona, sanad ciyaareedkii lasoo dhaafay kadib markii ay ku iibsatay PSG, oo Faransiiska ka dhisan aduun dhan 222 Malyuun, taasoo ka dhigtay haatan, ciyaaryahanka ugu qaalisan aduunka.

Tags

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close