Liverpool oo bareejo lagu soo dhaweeyey kulankeedii Champions League

Liverpool oo garoonkeeda Anfield joogto kulankeedii ugu horeeyay Champion-ka waxay dhaafi weesay kooxd Sevilla cayaar 2-2 kusoo idlaatay.

kooxda Liverpool ayaa gool looga naxsaday daqiiqadii 5-aad waxaana Sevilla hogaanka u dhiibay Wissam Ben Yedde.

laacibka Roberto Firmino ayaa cayaarta 1-1 ka dhigay daqiiqadii 21-aad sidoo kalena Mohamed Salah ayaa cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 37-aad, balse nasiib daro Firmino ayaa liverbool rigoore ka qasaariyay daqiiqadii 42-aad.

Qaybta labaad ee cayaarta Liverpool fursado badan ayay iska qasaarisay waxaana ugu dambeyntii ciqaabay Joaquin Correa oo cayaarta 2-2 ka dhigay daqiiqadii 72-aad.

Inkastoo tababare jurgen Klopp uu kulankaan badal kusoo galiyay Coutinho, Sturridge iyo Chamberlain hadana waxba kuma soo kordhinin Reds.

Ugu dambeyntii kulankaan 2-2 ayuu kusoo idlaaday waxaana dhamaadkii cayaarta Reds casaan ka qaatay Joe Gomez.

Sevilla ayaa ku faraxday inay dhibic qaali ah garoonka Anfield kusoo qaateen, halka macalin Klopp isagana kooxdiisa labo dhibcood ay lumiyeen.

Ramzi Yare

My name is Ramzi Yare Abdullahi, I am sports news writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close