Liverpool Oo Gurigeeda Ku Dubatay West Ham United, Xilli Philippe Coutinho Oo Labo Gool Dhaliyay + Sawirro

Kadib ciyaar ay indha ku wada hayeen  dhamaan kooxaha waa weyn ee Horyaalka Ingiriiska gaara ahaan Kooxda Arsenal oo ay kuwada loolamayaan in usoo bixitaanka Tartanka Xiisaha badan ee Champions League xilli ciyaareedka dambe.

Ciyaarta oo aheyd mid weerar iyo weerar calis ah ayaa waxaa fursado badan abuurtay kooxda Reds oo aad mooddo in ay udheeleysay iyadoo dheeleysay ciyaar kama dmabeys ah, ayaa waxaa qeybtii hore lagu celiyay 1-0 oo ay lee dahay Reds.

Markii ley dib leyskugu soo laabtay ciyaarta ayaa waxaa ay ka faa’ideysatay Fursaddo badan oo ay sameeyeen xiddigaheeda, waxa sidii daadka camal goolal ugu shuntay shabaqa goosha ee West Ham, waxa ayna dhalisay afar gool.

Liverpool ayaa waxa ay goolasha ka kala heshay xiddigaheda kala ah Daniel Sturridge oo qeybtii koowaad dhaliyay, Philippe Coutinho(2 gool) iyo Origi oo dhamaan tooda qeybtii labaad ee ciyaarta dhaliyay, waxa uuna kulanka kusoo dhamaaday 4-0.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close