Liverpool Oo Kusoo Laabashadda UCL Dartiis Usameyneysa Hal Arin Oo Cajiib Ah

Kooxda Kubadda Cagta Liverpool ee ka dheesha Hhoryaalka heerka koowaad ee wadanka UK, ayaa waxaay xagaagan kamid tahay kooxaha ka qeybgala Koobka Kooxaha Horyaaladda Yurub ee Champions League.

Kooxdaan ayaa waxa ay horey koobkaan ugu guuleysatay wax ka badan afar jeer, iyadoona midkii ugu dambeeyay ka qaaday Kooxda ka dhisan wadanka Talyaaniga ee AC MIlno sanadkii 2005-tii kadib loo wada dhafray.

Haddaba, kooxdaan ayaa waxay dib uhabeyn ku sameysay garoonkeeda, iyadoona la keenay qalab cusub iyo nidaam cusub oo uu ku shaqeyn doono garoonka kooxdaan ee Anfield.

Waxyaabaha dib uhabeynta lagu sameyn doono ayaa waxaa kamid ah Cooska yaala garoonka iyo  Kuraaska iyadoona kulanka ugu horeeyay ay kula dheeli doonto kooxda Crystal Palace, ee isla wadanka Ingiriiska.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close