Liverpool Oo Premier League-ga Kusoo Celineysa Suso,Sidee?

Naadiga Tottenham ayaa la sheegayaa in ay xiiso u qabto xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Ac Milan ee Suso iyaga oo doonaya in ay xagaaga dib ugu soo celiyaan horyaalka Premier league. Xiddigan ayaa qaab ciyaareed fiican ku jira tan iyo markii uu ku biiray kooxda Ac Milan iskana tagay kooxda Liverpool oo uuna boos joogto ah ka haysan.

Suso ayaa kooxdiisa Ac Milan u dhaliyay 6 gool 7 gool oo kalena caawiye ka ahaa kulamadii uu ilaa haatan u ciyaaray kooxda Ac Milan horyaalka Serie A. Tottenham oo ka cabsi qabta in ay kooxda Real Madrid u waydo xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli ayaa doonaysa in ay xiddigan badal uga dhigto hadii ay weydo xiddigaas.

Si kasta ha ahaatee Spurs ayay howl adag hortaalaa taas oo ah in ay kooxda Ac Milan ku qanciso in ay xiddigan la soo wareegto maadama uu xiddigan muhiim ka yahay kooxda ka ciyaara San Siro.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close