Liverpool Oo Taako Lama Iloobaan Ah Loo Dhigay, Xilli Uu Gool-Ku-Laad Khasaariyay James Milner + Sawirro

Kooxda Kubada Cagta ee Liverpool ayaa waxaa loo dhigay Taago lama illoobaan aheyd kadib markii ay maanta Bar Baro goolal la’aan ah ay la gashay kooxda Southampton Kulan ka tirsanaa horyaalka Wadanka Ingiriiska.

Ciyaarta oo aheyd mid Xiiso badan ayaa waxa ay laba kooxood ay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad uheersareeyay, waxaana ay qeybtii koowaad ee ciyaarta lagu kala baxay bar baro goolal la’aan ah.

Qeybtii Labaad ee ciyaarta ayaa dib leyskugu soo laabtay, iyadoo macalin waliba oo Xiddihiisa dhagta wax ugu soo sheegay, waxa ayna labada dhanba lasoo galeen dar dar aad uxoogan, waxaana aad uxooganaa weerarka Reds.

Liverpool ayaa waxaa markaan soo martay Jaanis ay ku qaban karta Libinta ama hogaanka kulanka kadib markii loo dhigay Gool-ku-laad, Laakiin waxaa ku qubeysatay Xiddiga Ingiriiska ee James Milner.

Ugu dambeyntii Kulan ciyaareedkan ayaa waxa uu kusoo dhamaaday bar baro goolal la’aan ah, iyadoona Xiddiga James Milner, uu khasaariyay Gool-ku-laadkii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 2009.

Waxaa Qoray: Cabdi Raxmaan Cadaani

AbDi RaHmAn AdAnI, Reporter

My name is Abdi Rahman Jilani Mohamed Adani, I am sport writer and reporter for Laacib.so by Online in Mogadishu, Somalia

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close