lixdan Sano Guuradii ka soo wareegtay Masiibadii Munich oo laga xusay  Old Trafford +Sawiro

Garoonka Old Trafford ayaa siweyn looga xusay 60 Sano Guuradii ka soo wareegtay masiibadii ay ku dhinteen Caaartoydii Manchester United ee loogu Magac daray Munich air disaster.

Nasiibada Munich air disaster.ayaa dhacday 6 dii bishii  February Sanadkii 1958 dii waxaana ku naf waayey 8 ka mid ahaa Cayaartoydii kooxdaas kuwaas oo ay ladhacday diyaarad meel ku dhow Magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Dadka kusugan Old Trafford ee wax ka xusay Masiibadaas waxaa ka mid ah 2 Caaarahan oo Saarnaa diyaarada dhacday balse Nasiib wanaag ka bad baaday kuwaas oo kala ah Harry Gregg iyo Sir Bobby Charlton kuwaas oo siwen looga qadario Manchester United.

Xiligii ay dhacday Masiibadaan ay ku dhinteen 8 da Cayaaryahan ayaa Timid Xili Manchester united ay ku socotey Cayaar koobka European Cup oo ay lacayaari lahaayeen Naadiga Red Star Belgrade balse Waxaa bur burtay diaaradii sidey Waxaana ku dhinta 8 Cayaaryahan oo muhiim ahaa.

Magacada Cayaartoydii Man United ee ku dhimatay shilka diyaaradeed.

Geoff Bent,

Roger Byrne,

Eddie Coleman,

Mark Jones,

David Pegg,

Tommy Taylor,

Liam Whelan 

Duncan Edwards 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close