Home » Africa » LLPP Jeenyo oo guul gaartay kadib markii ay ka badiyeen naadiga…

LLPP Jeenyo oo guul gaartay kadib markii ay ka badiyeen naadiga…

Kulan adag ayaa la ciyaaray maanta oo ay khamiis ah kulamo ka tirsan horyaalka dalkeena soomaaliya heerkiisa koowaad waxaana ciyaar dhexmartay naadiyada kala ah LLPP Jeenyo iyo Naadiga Waxool FC oo galabta cashir wanaagsan loo dhigay waxaana ciyaarta qeybteedii hore ku dhamaatay 0-2 oo ay ku hogaamineeysay naadiga LLPP Jeenyo waxaana kulankii galabta dhexmaray labada koox ka muuqday ciyaaryahan ANWAR oo goolal aan caadi ahayn dhaliyay galabta.

Dib markii la isugu soo laabtay qeybta dambe waxaa ay hogaanka sii wadatay kooxda LLPP Jeenyo iyadoo sidii la rabay ka yeelaneeysay garoonka Banadir Stadium oo ay ku wada ciyaarayeen waxaana kulanka xusuus mudan in ciyaaryahan ANWAR uu saddexleey ka dhaliyo galabta naadiga Waxool FC taasoo keentay in uu ka muuqdo garoonka.

Ciyaaryahanka Shaafici Xasan Cabdullaahi oo u wata numberka 11-aad wuxuu dhaliyay goolkii 4-aad ee ciyaarta dhaliyay goolkaasii ahaa gool qurux badan oo laad xur ah uu ka tuuray diilinta u dhow goolka, halka goolka 5-aad uu an sixiyay ciyaaryahanka lagu magaabo Kabtan C/nuur Maxamed MEMA oo u bilaabay goolashii galabta ay ku badiyeen.

Somali League 2016-2017Dhanka Jadwalka hadii aan fiirino Naadiga LLPP Jeenyo ayaa galabta heshay 3-Dhibcood iyadoo galeeysa kaalinta 6-aad waxeyna leeyihiin 12-Dhibcood waxeyna goolal ahan farqiga goolashana waa 6-Gool waxeyna ka dhigan tahay badiskii ay galabta badiyeen in ay u dhawaadaan kooxaha hogaaminaya horyaalka kubadda cagta dalkeena Soomaaliya in ay u jirsado 5-Dhibcood waxaana macquul ah kulamada soo socdo hadii ay badiskoodu ku dadaalaan in ay kaalmaha hore soo fadhiistaan Naadiga LLPP Jeenyo, Dhanka kale Naadiga galabta laga badiyay ee Waxool FC ayaa iyana kaalinta labaad ee horyaalka meesha hoose ka hogaamineeysa waxeyna leedahay 3-Dhibcood iyo Goolal gaaraya 13-Gool in farqaha loo geliyay Naadiga Waxool oo sanadkaan ku cusub Horyaalka Heerka koowaad ee Dalkeena Soomaaliya, Balse kooxda Waxool waxey isku dayday in ay hal guul ah gaarto 8-dii kulan ee ay soo ciyaartay.

Lasoco marwalba horyaalka dalkaaga kalana soco LAACIB.SO

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*