Lyon Iyo Besiktas Oo Laga Ganaaxay Tartanka Europa League,Sabab?

Kooxaha Lyon iyo Besiktas ee dalalka france iyo turkiga ayaa ganaax la kulmaya kuwaas oo ka dhan ah ciyaaraha Europe ,waxaana ganaaxaas soo rogay xiriirka kubadda cagta ee Uefa markii taageerayaal kooxahaas ka tirsan ay gacan ka hadal ka sameeyeen garoonka ciyaarihii ugu dambeeyey gaar ahaan Europa League wareegiisii quarter-final lugtiisii hore ee dalka France ka dhacay 13-kii bishan  April.

Ganaaxan ayaa dhigaya in labadan naadi aysan ciyaaraha imaan doonin labo sanadood oo soo socota , waxaana si lamida lagu ganaaxay koox kasta aduun lacageed gaaraya 100,000 euros oo u dhiganta (£83,800).

War qoraal ah kana soo baxay xafiiska xiriirka ciyaaraha qaaradda yurub ee Uefa ayaa lagu sheegay in  Lyon ay wajaheyso ciqaab adag iyadoo jamaahiirtooda ay abuureen rabshad is buur buur taageerayaasha ah waxaana laga digay qalalaaso kale oo lugta labaad dhacda.

Si kasta kooxda kale ee laganaaxay ee Besiktas ayaa iyana qabtay eedeyn lamida taas iyadoo dhamaan hadda wajahaya kooxahaan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close