Ma ciyaari doonaa kulanka Liverpool iyo Manchester City Laacibka Coutinho ? Macalinka Liverpool ayaa ka jawaabaya

Macalinka kooxda kubada Cagta Liverpool Jurgen Klopp oo kahadlayey shir Jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweynayaan 2 Cayaaryahan oo cusub sida uu sheegay kuwaas oo uu ku kala sheegay in yihiin Oxlade-Chamberlain iyo Philippe Coutinho, Tababare Jurgen Klopp ayaa sheegay in aysan jirin waxa dhibaato ah oo dhex taala isaga iyo Cayaaryahanka dalka Braziil ee Philippe Coutinho kaas oo doonayey in uu ka tago kooxdaan intii uu furnaa suuqa kala iibsiga Cayaartoyda balse waxaa diidey kooxdiisa Liverpool Naadigaas oo lacag aad u badan dib ula celiyey Barcelona oo xiiseysneysey wiilka dalka Braziil u dhashay.

Macalin Jurgen KloppCiyaaryahanka Philippe Coutinho ayaa Macalinka Liverpool cadeeyey in uusan qayb ka ahaan doonin Cayaarta adag ee duhurnimada Maanta oo Sabti ah la Cayaari doonaan Manchester City isaga oo aan Cadayn sababta uu uga reebay liiska Cayaartoyda Naadigiisa ee wajaheysa kooxda Manchester City oo garoonkeeda lagu ciyaari doono.

Xiddigaan Coutinho ayaan weli u Cayaarin kooxdiisa Tan iyo Markii uu bilaawday Xiligaan waxaana lasheegayey in uu qabo dhaawac dhabarka ah balse waxaa sheekadaas beeniyey Macalinka Xulka Braziil oo dheelsiiyey labadii Cayaarood ee isreeb reebka koobka aduunka kulamadaas oo uu mid ka mid ah Gool dhaliyey laacibka Coutinho.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close